Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo dil ku xukuntay ninkii dilay Wasiirkii hawlaha guud

July 31, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku xukuntay nin lagu eedeyey inuu ka dambeeyay dilkii loo gaystay Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji Wasiirkii hawlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Eedeysanaha ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah, ayaa horey Racfaan uga ka qaatay xukun dil ah oo ay horay ugu riday Maxkamadda waxaana loo gudbiyey dacwadiisa maxkamada sare ee DFS.

Maxkamadda Sare ee JFS ayaa saaka mar kale ku raacday xkunka dilka ee Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid), oo loo heysto dilka Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji Wasiirkii hawlaha guud ee Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida Soomaaliya Liibaan Cali Yarow oo Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in qiraal iyo cadaymo  ka dib ay maxakamada dil ku xukuntay Axmed C/laahi Cabdi.

Wasiirkii Hawlaha guud ee Xukuumadda Somaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji ayaa la dilay 03-dii Bishii May magaalada Muqdisho gaar ahaan meel aan sidaa uga fogeyn Madaxtooada Villa Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online