Qarax ka dhacay inta u dhexeysa Saldhigga Waabari iyo Hotelka Maka Al-Mukarama

July 30, 2017 - Written by Editor

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax culus uu ka dhacay inta u dhaxeysa Saldhigga Degmada Waabari iyo Hotelka Maka Al-Mukarama waxaana goobta ay ahayd mid aad u mashquul ah.

Qaraxa ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa goobta iyo dadweyne kale oo saarnaa gawaarida Bajaajka

Afhayeenka Laamaha Ammaanka Axmed Maxamuud Maxamed ” Axmed Carab” oo Saxaafadda kula hadlay goobtii uu ka dhacay Qaraxa ayaa Faah-faahin ka bixiyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii loo adeegsaday Gaariga ee ka dhacay inta u dhaxeysa Saldhigga Degmada Waabari iyo Hotelka Maka Al-Mukarama wuxuuna sheegay in ugu yaraan 5 qof ku dhimatay 10 kalana ay ku dhaawacanay.

Dhanka kale Goobjoogeyaal ku sugnaa goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaro gaaray dadka shacabka ah uu intaas ka badan yahay .

Kooxda Al-Shabaab ayaan kala jeclayn daadinta dhiiga shacabka Muslinka ah ee Soomaaliyeed waxaana ay maalin walba qarax ku dishaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online