Xubin Cusub oo ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Puntland oo maanta la dhaariyey

July 27, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Qasriga Madaxtooyadda Dawladda Puntland ayaa maanta 27 July 2017 lagu dhaariyey xubin katirsan guddiga doorashooyinka Puntland oo dhowaan Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas magcaabay.

Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe) oo ah xubinta maanta loo dhaariyey xilkaasi ayaa waxaa munaasibada dhaarinta goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta kadib la dardaarmay Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (shuuqe), waaxaana uu kula dardarmay inuu xilkan loo igmaday siday tahay uga soo dhalaalo uguna shaqeeyo dadkiisa iyo dalkiisa, isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo shaqadiisa wax yeelaynaya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku booriyey in shaqada uu hayo Cabdiraxmaan Diiriye Samatar tahay mid miisaan keeda leh, shaqada iyo hawlaha xafiis ee laga sugayaana tahay mid dardargelin iyo dedaal dheeriya u baahan, madaama dawladda Puntland iyo shacab keedu tiig-sanayaan sidii Puntland u gaadhi lahayd doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Alle “SWC” uga baryey Cabdiraxmaan Diiriye Samatar inuu u fududeeyo shaqada uu u qaban doono shacabkiisa, isla markaana Alle ka dhigo kii Puntland u horseeda horumarka ay geediga ugu jiraan ee ah doorasho hal qof, hal cod.

==DHAMMAAD==

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
July 2017
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online