Baarlamaanka Maamulka Somaliland oo Baashe Maxamed Faarax u doortay Gudoomiye

August 6, 2017 - Written by Editor

Hargeysa:-Xildhibaanada golaha wakiilada ee Maamulka Somaliland ayaa maanta kalfadhi ku yeeshay magaalada Hargeysa waxaa ay guddoomiye u doorteen Baashe Maxamed Faarax ka dib tartan uu la galay Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle.

Kalfadhiga Baarlamaanka Maamulka S/land ayaa waxaa maanta soo xaadiray 77 xildhibaan waxaana ay cod u qaadeen laba musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle iyo Baashe Maxamed Faarax.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka S/land ayaa timid ka dib markii uu xilka iska casilay gudoomiyihii hore Cabdiraxmaan Cirro oo isaga u tartamaya xilka Madaxweynaha SLand.

Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa uu 39 cod kaga guuleystey Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle oo isaga helay 38 cod. Baarlamaanka Maamulka S/land ayaa la filayaa in ay doortaan todobaadka soo socda Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somaliland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online