Golaha Wakiilada Dawladda Puntland oo Ansixiyey Golaha Wasiirada Puntland (Masawiro)

August 10, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta 10 August 2017 ka qayb galay kalfadhiga 39-aad fadhigiisa 22-aad oo ay Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ku Ansixiyeen Golaha Wasiirada Dawaladda Puntland.

kalfadhiga 39-aad fadhigiisa 22-aad ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 64 Mudane, kuwaas oo 61 kamid ahi cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwlei Maxamed Cali Gaas oo horgeeyey golaha Xukuumadda Dawlada Puntland, Golaha Wakiiladda Puntland ayaa codsi u gudbiyey mudanayaasha Baarlamaanka Puntland, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in golaha Xukuumaddani isugu jiraan Wasiiro hore oo ku soo shaqeeyey daruufo adag iyo sidoo kale Wasiiro, Wasiirru Dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeeno cusub oo Madaxweynaha Puntland u gartay markuu arkay aqoontooda iyo khibradooda shaqo inay shacabkooda u qaadi karaan masuuliyaddaasi.

”Waxaa sharaf ii ah maanta inaan idin horkeeno Golaha Xukuumadda Puntland ee halkan u fadhiya inay idin ka codsadaan xasaanad-siinta, Golahani Wuxuu ka kooban yahay xubno aad hore u taqaaneen, soo shaqeeyey karti iyo hufnaan kusoo shaqeeyey, duruufo adag kusoo shaqeeyey, waxaa kale oo iyana kamid ah xubno cusub oo aan ku dooranay aqoontooda, xirfadooda iyo khibradooda shaqo” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ka socdo horumar lixaadle oo dhan-walbale, horumarkaas oo ay ku xayndaaban yihiin caqabado badan oo lagama maarmaan ay tahay in meel looga soo waddajeesto, isla markaana ay Golaha Baarlamaanka Puntland iyo Golaha fulintu yeeshaan wadashaqayn dhaw oo lagaga bixikaro duruufaha jira.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xaqiijiyey arrimaha jira awgood oo horumarka leh, cadawga leh, himiladale, hiigsigale in aanay Puntland awoodi karin inay sii la’aato Gole Xukuumad saacad danbe iyo wakhti danbe.

”Waxaan leeyahay maanta xaaladahaas nagu beegsan awgood iyo horumarkaas baaxadale ee dalka kasocda awgood in aysan Puntland awoodi karin, inay sii la’aato Gole Xukuumad saacad danbe iyo wakhti danbe, anoo ku kalsoon garashadiina iyo wadaniyaddiina waxaan idinka codsanayaa in aad siisaan xasaanadda Golaha Xukuumadda ee idin horfadhiya, anigoo idinka codsanaya inaad si duuduuba oo waddajira u ansixisaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Ugu danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ansixinta kadib u mahad celiyey Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Puntland Dhammaantood sida sharafta leh ee ay xasaanadda u siiyeen Golaha Fullinta ee Dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online