Laamaha Amaanka ee Muqdisho oo Fashiliyey Qarax Khaasaro badan Geysan lahaa (Daawo)

August 27, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wararka ka imanaya magaalada Muqdishu ayaa sheegaya in laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho ay fashiliyeen gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la soo dhigay meel u dhow halka lagu magacaabo Xaaji Baasto oo ku taal wadada Maka Al-Mukarama.

Goobjoogayaal ka dhawaa goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in ciidamada Booliska ay ka shakiyeen gaariga la soo dhigay wadada ka dibna ay labada dhinac ka xireen wadada in yar ka dibna uu qarxay gaariga

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray 2 askari oo aan sidaa uga fogeyn halka qaraxu ka dhacay.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) iyo Afhayeenka Ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa si wadajir ah uga hadlay qarax galabta ay fashiliyeen ciidanka Amaanka waxayna amaan u soo jeediyeen ciidamadii howshaas qabtay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online