Machadka Al-Fatxi oo lagu barto Shareecada Islaamka oo laga furay Burco (Daawo)

August 18, 2017 - Written by Editor

Xilli ay Magaalada Burco ay u baahnayd cid arinteeda kor u qaada dacal kasta, ayaa waxaa la furay Machadka Al-Fatxi allaah ha uga dhigo islaamka fure e, waliba gaar ahaan saaxadda dacwada Soomaaliyeed. Xafladdii furitaanka machadka ayaa waxay ka dhacday Masjidka Al-Raxma habeenkii isniita ahaa ee 22|dul_qacdah 1438 oo ku beegnayd 14|8|2017.

Waxay ay xafladdu ilaahay mahadii ku bilaabantay jawi dagan oo ku haboon Waxa kasoo qayb galay dadkii ugu cadcadaa gobolka mas uuliyiin, caamo, culimaba iyo ganacsato gaar ahaan Shirkada Telesom.

Sh Cali Mahdi, maamulaha machadka imaamu shaafici Sh Yuusuf Maxamuud Diiriye asaasayashii machadka Sh Mustafe Aadam iyo maamulaha machadka Al-Fatxi Sh Shucayb Cabdallah Haaruun masuul sare oo kasocday wasaaradda tarbiyadda iyo tacliinya iyo sidoo kale guddoomiye ku xigeenka gobalka.

Dhamaantood waxa ay soo dhaweeyeen Furida Machadka waxaanay sheegeen inay garabtaagan yihiin ,sidoo kale waxay u dardaarmeen maamulka machadka,macalimiinta iyo ardayda inay dadaal dheeraada la yimaadaan una sabraan qodxaha yaal wadada ka sokaysa hadafkooda ilaahay dartiina ay u wadaan camalkooda.

Maamulaha machadka Sh Shucayb ayaa dadka xog kasiiyey machadkan habkiisa maamul iyo kiisa waxbarasho,waxa aanu sheegay in machadkani uu yahay mid gabi ahaanba ka duwan macaahidii kale ee ka jiray gobalka una noqon karo ayaga mid ku dayasho uga mudan,diyaarna uu u yahay sidii uu u soo saari lahaa dad ka dhisan saddex midba:
1:Aqoonta oo waa dad leh tamar aqooneed oo tayeysan waana mid loo guur galay sidii ay dadkaasi usoo bixi lahayeen marka la eego manhajka waxbarasho ee u dajisan, iyadoo ardayga loosoo bilaabayo cilmidga ilaayo loo gaadhsiiyo kutubta waaweyn ee sar sare sida:alfiyyatu_assuyuudi,alfiyyatuI_ibni maalik.

2:Manhaj dacwadeed oo dagan: kaas oo ah ardaydan in ay noqdaan kuwo baraarug islaam iyo soojeed dacwadeed leh,sidoo kale ay noqdaan hadhaw markay soo baxaan kuwa anfaca bulshada waxna kusoo celiya dadkooda,ayna u fuduudahay siday u dhex gali lahaan, wadada dhexdhexaadka ah ee fulinta dacwada ayaa lagu tababarayaa dadkaa lasoo saarayo.
3:Anshaxa:waxa ardayda lagu tababarayaa in ay noqdaa kuwo falkooda intaan hadalkooda lagaadhin sida fariimo dacwadeed,kuwa ay ka nabad gasho bulshadu culimo iyo caamaba, aanay noqon kuwo dadka badhna bidco ku xukuma badhna dil.
Waxa uu maamuluhu intaa raaciyey in machadkan oo ah dugsi sare in ardayda dhigista shareecada u raacinayaan cilmiga nolosha qaybo kamid ah sida:
1:xisaabta
2:suugaanta soomaalida.
3:juqraafiga.
Si ay ardayda alfatxi dhiganaysaa uga maarmaan inay ku biiraan ama ay doontaan dugsi maadi ah. Waxyaalaha dareenkaaga soo jiidanaya ee markaad machadki fatxi maqasho xasuusanaysid ayaa ah xifdiga iyo weelaynta,taas oo ah in ay ardayda waxa loo dhigo intooda ugu badan soo xifdiyaan oo laga dhagaysto.

Machadkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa gobalka togdheer laga furo markaad eegto tayadiisa aqooneed iyo tamartiisa idaaareed.

Halgan.net
Burco

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online