Madaxweynaha Puntland ka hadlay mowqifka Puntland ka istaagtay Xiisada Khaliijka (Dhageyso)

August 17, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dowlada Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada khaliijka iyo go’aankii ay ka qaateen Maamulka Puntland oo taageeray Isbahaysiga uu hurmuudka u tahay dowlada Sacuudiga .

Madaxweyne C/wali Gaas oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in danaha Istiraatiijiyadeed ee Puntland kala dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka uu ku qasbay inay taageeraan Isbahaysiga uu hurmuudka u tahay dowlada Sacuudiga.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in wareegtada ay soo saareen ay tahay talo ay u jeedinayaan DFS oo dhexdhexaad ka noqotay arimaha ka aloosan dowlada Khaliijka .

Dowlada Qadar ayaa waxay marti galin siisay Maxamed Saciid Atam oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo dagaalo badan ka wadi jiray buuraleyda Galgala markii danbana isaga baxay kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,074 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>