Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Ehelada Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre

August 16, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre oo xalay ku geeriyooday magaalada San Diego ee dalka Maraykanka. 

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan diblumaasi ruug caadaa ah oo daadaal iyo wakhti dheer galiyey kobcinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka.

“Alle ha u naxariistee, Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Barre waxa uu ahaa shakhsi muddo dheer usoo shaqeeyey dalka. Marnaba ma ilaawi doonno kaalinta uu ka qaatay kobcinta maqaamka iyo magaca Soomaaliya ay ku leedahay caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Marxuum Cabdiraxmaan ayaa dowladdii dhexe kasoo qabtay xilal kala duwan sida Ra’iisul Wasaare K/xigeen, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda oo muddo kor u dhaafaysa 10 sano uu soo hayey xilkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marxuumka Alle uga baryey naxariis iyo dambi dhaaf, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online