Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wefti uu Hogaaminayo Safiir Ku-xigeenka Dalka Jarmalka ee Soomaaliya.[Masawiro]

August 30, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta 30 August 2017 qasriga Madax tooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo safiirka dalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya Mr. Markus Bollmohr.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyna kuwehelinaayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana lagaga arrinsaday kulankani arrimo ay ka mid ahaayeen adkaynta xidhiidh ka labada dhinac iyo  mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fulliyo Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha ayaa ugu horayn weftigani kusoo dhoweeyey qasriga Madaxtooyada Garoowe, waxaana uu kusimaha Madaxweynuhu tilmaamay inay tahay muhiim in layska kaashado sidii loo xoojin lahaa loona wanaajin lahaa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Puntland iyo dalka Jarmalka, taasi oo suura gelin karta in uu sii wanaagsanaado xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya hadda labada dhinac.

Sidoo kale Madaxweyne Camey ayaa weftiga uga warbixiyey mashaariicda horumarineed ee dalka jarmalku ka hirgeliyo Puntland muhiimadda ay u leeyihiin shacabka iyo dawladda Puntland, maadaama ay salka ku yahaan kobcinta arrimaha aasaasiga ah ee bulshada Puntland iyo tan Soomaaliyeedba, isla markaana waxa uu uga mahadceliyey dawladda Jarmalka mashaariicda horumarineed ee ay ka fullinayaan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Safiir kuxigeenka dalka Jarmalka u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa cadeeyey inay diyaar u yihiin adkaynta iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxaana uu sidoo kale hoosta ka xariiqay inay sii laban laabi doonaan mashaariicaha horumarineed ee dalka Jarmalku ka fulliyo Puntland, kuwaas oo uu sheegay inay kuyimaadeen iskaashiga iyo xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online