Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Garoowe ka Daah-Furay Mashruuca Xoojinta Caafimaadka Puntland ee 2017-2019.[Masawiro]

August 30, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 30 August 2017 magaalada Garoowe ka Daah-furay mashruuca xoojinta caafimaadka Puntland ee 2017-2019, waxaana mashruuca maalgeliyey Bangiga horumarinta Jamarlka.

Daahfurka Mashruucani balaadhan ayaa waxaa madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha ku weheli naayey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Puntland, wefti uu hogaaminayo safiir ku-xigeenka dalka Jarmalka u fadhiga Soomaaliya Mr. Markus Bollmohr iyo hay’addaha hawl-waddeenka la ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. C/xakiin Xaaji C/laahi Cumar Camey oo kahadlay daahfurka mashuucani ayaa sheegay in mashruucani yahay mid wax weyn ka taridoona hawlaha horumarineed ee caafimaadka Puntland, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in mashruucani isugu jiro hawlo caafimaad iyo dhismayaal ruggo caafimaad oo laga hirgelinayo labada gobol ee Mudug iyo Nugaal.

Sidoo kale kusimaha Madaxweynaha ayaa sheegay in mashariicdani tahay mid muhiima taasi oo ka kooban dhismayaal ruggo caafimaad, tayaynta shan cusbitaal oo kuyaala labada gobol ee Nugaal iyo Mudug, dhisme cusub oo xarun caafimaad ah oo laga hirgelindoono Garoowe iyo sidoo kale cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacayo oo lagu kordhin doono dhimeyaal sucub iyo dib u dayactir.

Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dib u habayn iyo dayactir lagu samayn doono 20 MCH iyo daboolidda hawlaha caafimaad ee aasaasiga ah ee labada gobol ee Nugaal iyo Mudug oo iyana kamidda qorshe yaasha lagaga faa’iidaysanayo mashruucani horumarinta caafimaadka Puntland ee 2017 -2019.

Dhinaca kale Kusimaha Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in mashaariicaha dalka Jarmalku ka fullinayo gudaha Puntland ay badan yihiin oo ay kamid tahay dhismaha waddada Gaalkacayo-Garoowe oo ay dawladda Jarmalku bixisay dhaqaalaha lagu hirgelinaayo waddadaasi.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Ciise ayaa dhankiisa ku dheeraaday muhiimadda ay mashaariicdani u leedahay Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedba ee ku sugan guddaha Puntland, waxaana uu sidoo kale kahadlay waxqabadka balaadhan ee Wasaaradda Caafimaadku ka qabatay goboladda Puntland iyo kuwa hadda qorsha ugu jira inay fulliso oo dhamaantood waxtar buuxa u leh arrimaha caafimaadka ee Dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa u mahadnaqay hawl-wadeenadda Waaradda caafimaadka iyo hay’addaha hawlwadeenka la ah Wasaaradda sida wanaagsan ee ay u dardar gelinayaan, isagana kaashanayaan socodsiinta mashaariicaha muhiim ka ah ee wax tarka u leh shacabka dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online