Mu’assasada Minhaaj oo wacyigalin balaadhan oo dacwo ka samaysay Magaalada Burtinle.[Masawiro]

August 30, 2017 - Written by Editor

Burtinle:-Muassasada Minhaaj faraca gobolka Nugaal ayaa mudadii u dhaxaysay 23–26kii bishaan ka samaysay wacyigalin balaaran oo dacwo magaalada Burtinle, wacyigalintaas oo isugu jirtay:-
1) Siminaaro la siiyey dhalinyarada, macalimiinta, maamulayaasha iskuulada iyo hawlwadeenada dacwada.
2) Kalmado iyo muxaadarooyin loo jeediyey bulsho waynta oo ka baxayey masaajida, goobaha waxbarashada, idaacadaha iyo kuwo gaar u ah haweenka.
3) Kulamo wadatashi oo lala qaatay hawlwadeenada dacwada iyo waxgaradka deegaanka.

Dhinaca kale waxay culumaaudiinka iyo madaxda muassasadu kala qaybgaleen bulshada deegaanka xaflad heersare ah oo lagu daahfurayey machadka culuumta shareecada ee Alhidaaya.

Wacyigalinta oo xooga lagu saaray dhibaatooyinka Facebook-gga iyo qabyaalada ayey ka mahadceliyeen guud ahaan bulshada deegaanku, waxaana goaan lagu wada qaatay in xafiiska muasasada ee degmada si dhaqso ah loo furo.

Nuur Jaamac Aadan
Garoowe,Halgan,net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

231,803 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>