Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo Muqdisho laga soo dajiyey

August 13, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in diyaarad sida Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ay goor dhow ka soo duushay, waxaana diyaarada ku weheliya Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliye kuxigeenka NISA Jaamac.

Mukhtaar Roobow Abu Mansuur ayaa waxaa loo soo wadaa magaalada Muqdisho halkaas oo uu warbaahinta kula hadli doono isaga ka warbixin doona kooxda Al-Shabaab ee uu mudo ka tirsanaa iyo wax badalay mowqifkiisa.

Diyaarada Helicopter ah ayaa waxaa ay DFS u dirtay Degmada Xudur si ay u soo qaadaan Abu Mansuur Roobow , Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliye kuxigeenka NISA Jaamac.

 Mukhtaar Roobow ayaa saaka isku dhiibay Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii kooxda Al-Shabaab ay weeraro ku soo qaaday  deegaanka Abal ee ka tirsan degmada Xudur oo uu in muddo sanado ah oo uu ku sugnaa Abu Mansuur Roobow.

Maleeshiyo taabacsan Abu Mansuur Roobow iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay isku leynayey deegaanka Abal iyo nawaaxigiisa waxaana kala gaaray Khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac faro badan .

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa wada sugaya qaabka DFS ay u maareyso Arimaha Abu Mansuur Roobow oo haatan ka soo baxsaday Kooxda Al-Shabaab.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan diyaaradii siday Abu Mansuur Roobow ay soo gaartay magaalada Muqdisho.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online