Qasriga Madaxtooyada Garoowe oo Maanta lagu Dhaariyey Laba Wasiir iyo Hal Wasiir Ku-xigeen oo kamida Golaha Wasiirada Cusub.

August 9, 2017 - Written by Editor

Waxaa Madaxtooyada Garoowe ee caasimadda Puntland maanta 09 August 2017 lagu dhaariyey laba Wasiir iyo hal Wasiir ku-xigeen oo kamida golaha Wasiirada cusub ee Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Magcaabay 06 August 2017, Waxaana ay kala yihiin Wasiiradaasi la dhaariyey.

  1. Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garomada Puntland.
  2. Cabdinuur Cilmi Maxamuud ( Biindhe) Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
  3. Saciid Faarax Maxamuud Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.

Munaasibadda dhaarinta  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakii ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhaarta ka dib kula dardaarmay masuuliyiintani inay shaqadan loo igmaday uga soo dhalaalaan si Masuuliyaddi ku jirto, isla markaana si daacadnimo ah ugu adeegaan Dadkooda iyo Dalkoodaba.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey masuuliyiintani inay markasta ka fogaadaan kana dheeraadaan wax kasta oo shaqadooda xumaynaya, isla markaana ay  xilkasnimo iyo daacadnimo ugu adeegaan shacabkooda.

Ugu Danbayntii, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Illahay ‘’SWC” uga baryey masuuliyiintani inuu u fududeeyo xilalkaasi ay u qabteen dadkooda iyo dalkoodaba, isla markaana Alle ku asturo kuna guuleeyo hawlaha shaqo ee xafiisyadooda looga fadhiyo inay qabtaan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online