Wararkii ugu danbeeyey ee dagaalka ka dhex socda Al-Shabaab iyo Abuu Mansuur

August 11, 2017 - Written by Editor

Baydhabo:-Kooxda Al-shabaab ayaa maanta mar kale weerartay Saldhigga uu wadaadka Abu Mansuur Roobow ku leeyahay duleedka deegaanka Abal  waxaana dagaalka uu socday mudo ka badan 2 saac waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac .

Maleeshiyada Daacadda ah Abu Mansuur ayaa deegaano ka saaray Kooxda Al Shabaab oo shalay qabsaday  tuulada Abal ee gobalka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.

Al-Shabaab gurmad kala duwan uga yimid gobalka Sh /Hoose  iyo Hiiraan waxaana ay caawa Al-Shabaab ku sugan yihiin degaanka Labaatan Jirow  ka dib markii dib looga soo riixay deegaano ay shalay  ku soo durkeen .

Wararkii ugu danbeeyey ee soo gaaray Halgan.net oo ay ka heshay ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Al-Shabaab iyo Abu Mansuur ay isku hub uruursanayaan Abu Mansuur waxaa uu taageero ka helayaa beeshiisa waxaana xaalada ay ku xuntahay Abu Mansuur oo u Dhexeeya ciidanka DFS ,Itoobiyaan iyo Al-Shabaab. Halka Al-Shabaab ay ka baqanayaan diyaarado dul heehaabaya Deeegaanada dagaalada ka socdaan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2017
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online