Ciidamada Ilaalada Badda Puntland oo qabtey Dooni hub sharci daro ah siday (Masawiro)
September 23, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari ayaa sheegaya in Ciidamada Ilaalada Badda Puntland ee (PMPF) ay gacanta ku dhigeen Dooni hub sharci daro ah sida waxayna ka soo qabteen meel magaalada Boosaaso u jirta 9 Km oo lagu magacaabo Mareero.
Ciidamada Badda Puntland (PMPF) ayaa oo ku howlgalo ay xalay iyo saaka fuliyeen ayaa waxay sidoo kale ku soo qabteen gawaari yar oo hubka lagu dajiyey oo bariga u baxsaday.
Kusimaha taliyaha Ciidamada Badda Puntland (PMPF) Maxamed Maxamuud Xasan ayaa sheegay in doonida siday hubka ay ka timid Yemen lana yiraahdo Al-Furqaan wuxuuna sidoo kale sheegay in ay waday hubka noocyadiisa kala duwan sida qoryaha Dhashiikaha, PKM iyo AK47 iyo Bistoolado
no images were found
Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish kuwaas oo dilal iyo qaraxyo qorsheyn ka fuliya magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.
A/Cawale
Halgan.net
Xuquuq masawirada All SBC