Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u safray dalka Sacuudiga

September 26, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta safar aan horay loo shaacin waxaa uu ugu baxay dalka Sucuudiga, sidda lagu xusay fariin qoraaleed ka soo baxday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya. Fariin qoraaleedka ka soo baxday xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu safar shaqo uu ku tegayo.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu la kulmo Boqorka Sucuudiga Salmaan Binu Cabdi Casiis iyo weliba dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Eng.C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in safar madaxweynaha uu yahay mid saaxiibti nimo lana xiriiray safarradii hore ee uu Madaxweynuhu ku tegay dalka Sacuudiga loogana wada hadlay xiriirka labad dal iyo in la xoojiyo dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yuusuf Garaad Cumar iyo xubno ka tirsan madaxtooyada Somaaliya,

Safarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo beegmay xili khilaafka u dhexeeya dowladdaha Khaliijka uu saameyn ku yeeshay xiriirka u dhexeeya maamul gobolledyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

A/cawaale
Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online