Madaxweynaha Gal-Mudug oo soo gaaray Cadaado eedeyna u jeediyey DFS (Masawiro+Cod)

September 24, 2017 - Written by Editor

Cadaado:-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug waxaana halkaas ku soo dhaweeyey xubnaha labada gole ee Maamulka Galmudug. Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug ayaa markii uu soo gaaray magaalada Cadaado waxaa uu eedeyn kulul u jeediyey masuuliinta DFS waxaana uu ku eedeeyey in ay xayireen diyaaradii uu ka soo raaci lahaa Hargeyso mudo ka badan 5 saac.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay dagaal adag kula jirto Maamulka Galmudug, isaga oo shacabka reer Galmudug ugu baaqay midnimo iyo wadajir. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxaa uu intaas raaciyey in madaxda DFS ayaa faragelin cad ay ku hayso Shaqada Maamulka Galmudug iyada oo adeegsanayey xubno ka tirsan Maamulka Galmudug.

Hoos ka Dhageyso Madaxweynaha Galmudug oo la hadlay Saxaafada isaga oo eedeyn u soo jeediyey Madaxweyaha DFS

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/09/Madaxweynaha-Galmudug-oo-warbaahinta-la-Hadlay-dhaliilayna-madaxada-DFS.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online