Madaxweynaha Puntland oo Boosaaso Ku daah-furay Mashruuca Caafimaadka Aasaasiga ah Ee Gobolada Bari Iyo Gardafuu Puntland.

September 17, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 September 2017 ku daah-furay magaalada Boosaaso mashruuca caafimaadka aasaasiga ah ee gobolada Bari iyo Gardafuu Puntland.

Daah-furka Mashruucani ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo madaxda kale ee Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan golaha xukuumadda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Xubno ka socdey hay’adda SAVE THE CHILDREN   Isimo, aqoon yahano, ururrada haweenka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa ugu horay bogaadiyey shaqooyinka lataaban karo ee ay Puntland ka qabteen Wasaaradda Cafimaadka iyo Madaxdeedu, waxaana uu xaqiijiyey in uu cad-yahay, muuqdona wax qabadka Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

“Runtii waxaan rabaa marka hore inaan aad u bogaadiyo shaqada wanaagsan ee ay hayaan Wasaaradda Caafimaadka iyo madaxdeedu, way muuqataa waxay tahay Wasaaradda Caafimaadku, waxayna ka mid tahay Wasaaraddaha aanu kufaano oo si wanaagsan dalka uga shaqeeyey, dedaalka ay muujiyeen iyo isbedelka maanta ka muuqda Puntland dhanka Caafimaadka shaqaday ka qabteen aad bay u mahadsan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay inay Wasaaradda Caafimaadku qabtaan shaqooyin dheeriya oo ay ka fuliyaan meelaha furimaha ah amase goobaha dagaalka, sida marka Puntland ay dhulkeeda ka difaacayso cadawgeeda cidda ugu horaysa ee tegaysaa goobtaasi waa wasaaradda Caafimaadka, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu ku bogaadiyey shaqooyinkaasi dheeriga ah ee ay u qabtaan dalkooda iyo dadkooda.

“Waxaa dheer shaqada caadiga ah marka laga soo tago, dhib kasta oo timaadda, culay kastoo yimaadda oo dhanka nabad gelyada ahna qayb lixaadle bay ka qaataan, cidda ugu horaysa ee meeshaa tegaysaa oo aadaysaa waa Wasaaradda Caafimaadka, waan bogaadinayaa, waxaan leeyahay Hambalyo ( Congratulation) shahaadadii Abaarta iyo middii Al-shabaab ladirirkaba waa laydin siinayaa labadaba” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda dawladdu ay tahay in qofkasta oo  Puntland  jooga Miyi, Tuulo, Magaalo, Buur iyo Banaanba in uu hello Caafimaad joogto ah, Waxbarasho, iyo jid aada meesha uu joogo, taasina ay tahay siyaasad iyo  daw  ay u sii jeexayso Xukuumadda uu hogaaminayaha ka yahay Madaxweynaha Dawladda Puntland, dawladdaha danbe ee Puntland qaban doona.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyey hay’addaha bahwadaagta la ah Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee ka caawinaya qabsoomidda mashruucani aasaasiga ah ee laga hirgelinayo gobolada Bari iyo Gardafuu, waxaana uu sidoo kale ugu baaqay dhammaan shacabka Punltand in ay illaashadaan horumarka ka socda dalkooda, isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen qabsoomidda kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland ka socda, sida balaadhinta iyo dib u casriyaynta dekedda Boosaaso, garoomada diyaaradaha, jiddadka Caafimaadka, Waxbarashada iyo IWM.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa digniin adag u diray shakhsiyaadka carqaladaynaya mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, kuwaas oo muhiim u ah mustaqbalka shacabka iyo dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online