Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo shacabka Garoowe Kala Qaybgalay Salaada Ciida Adxaa. (Masawiro)

September 1, 2017 - Written by Editor

Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa maanta 01 September 2017 salaadda ciiddul adxaha la oogey shacabka caasimadda  Garoowe.

Salaadda ciiddul adxaha oo lagu tukadey garoonka kubadda cagta Mire Awaare ee magaalada garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha halkaasi kula tukadey salaadda muuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, isimo, waxgarad, siyaasiyiin iyo shacab weynaha magaalada Garoowe.

Kusimaah Madaxweynaha Eng. Camey ayaa ugu horayn hambalyo ku aadan farxadda munaasibadda ciiddul adxaha u diray ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan iyo guuda ahaanba shacabka reer Puntland, waxaana uu sigaara ula qaybsaday dareenka farxadda ciiddull adxaha ciidanka qalabka sida ee dawladda Puntland, isagoona xusay inay suura geliyeen amniga, kala danbaynta iyo xasiloonida Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa caadeeyey in maanta Puntland uu ka socdo kana hirgalay horumar lixaadle oo aanay jirin meel uu ka hirgay Soomaaliya, taasina ay suura geliyeen isku duubnida shacabka iyo dawladda Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Camey ayaa si qoto dheer uga hadlay lacagta shillin Soomaaliga, taas oo ay in muddo ah taagnayd hawsheedu, waxaana uu sheegay kusimaha Madaxweynuhu in aanay jirin dad reer Puntland ah oo ka cabanaya lacagta shillin Soomaaliga, isla markaana waxa uu xaqiijiyey in lacagtani tahay mid ay gobolada koonfureed ee Soomaaliya ka joojiyeen argagixisada Al-shacaab, isla mar ahaantaana waxa uu ugu baaqay dawladda Dhexe ee Soomaaliya iyo dawladdaha kale ee xunaha ka ah DFS ay ka gaadhaan arrintani xal lagu badbaadinayo lacagta shillin Soomaaliga laguna yaraynayo lacagta qalaad ee Dollar-ka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa xaqiijiyey in isaga aanay  ka iman amar lagu joojinayo lacagta shillin Soomaaliga ah,  hase yeeshee ay jirto digreeto Madaxweynaha dawladda Puntland soo saaray, taas oo lagu socodsiinaayo qaadashada lacagtaasi, laguna mamnuucayo lacagta xoosh ka ah amaba duugowdey  ee lagu soo daabulayo gawaadhida xamuulka, lagana keenayo gobolada koonfureed ee Soomaaliya, waxaana uu Madaxweyne camey xaqiiyeyn digreetada Madaxweynaha dawladda Puntland soo saaray ay tahay mid saxa oo u dan ah dawladda Puntland iyo shacabkeeda.

Madaxweyne Camey ayaa sidoo kale xusay in dawladdu gacanta ku dhigtay lacag tirro badan oo shillin Soomaali ah taaso oo ku rasaysan gawaadhida xamuulka, laguna hayo saldhigyada Booliska gobolada Puntland, waxaana uu shacabka Puntland u cadeeyey in dhowaan dawladdu ka yeelandoonto qorshe lagu joojinayo lacagtaasi, isla markaana waxa uu shacabka Puntland ugu baaqay inay isticmaalaan lacagtooda kuna xidhnaadaan bangiyada dawladda ee kuyaala magaala madax kasta ee gobol walba leeyahay.

Ugu danbayntii, Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa ugu baaqay ganacsatada reer Puntland, shaqaalaha iyo masuuliyiinta sar-sare ee dawladda inay iyagu ugu horeeyaan qaadashada lacagta Shillin Soomaaliga, waxaana uu sidoo kale ugu baaqay Dawladda Fadaraalka Soomaaliya inay soo faragashato wax ka qabashada dhibtaatada ka taagan lacagta ummadda Soomaaliyeed ee Shillin Soomaaliga ee laga keenayo gobolada koonfureed ee Soomaaliya.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online