Maxaned Cabdi Waare oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle

September 16, 2017 - Written by Editor

Jowhar:-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Maxaned Cabdi Waare loo doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hir-Shabelle, kaddib markii uu wareeggii ugu dambeeyay uu kaga adkaaday musharaxii la tartamayay ee Daahir Cabdulle Cawaale.

Doorashada Madaxweynaha Hir-Shabelle ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada Jowhar waxaana amaanka magaalada sugayey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabelle Sheekh Cusmaan Barre, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada waxaana uu sheegay in Maxamed Cabdi Waare, uu helay 74 Cod, halka Musharaxa laga guuleystay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod.

Doorashadan, ayaa imaaneysa kadib markii bishii Augost ee sanadkan ay baarlamaanka Hir-Shabelle uu codkii kalsoonida kala laabteen madaxweynihii hore ee maamulka Hir-Shabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweynahii hore ee Hir-Shabelle ayaa diiday xilka laga qaaday wuxuuna eedeyn u soo jeediyey madaxada DFS wuxuuna sheegay in ay burburinayaan Maamul gobaleedka Hir-Shabelle.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online