Maxkamadda Ugu Sarreysa Kenya oo Amartay in Doorashada Dib loogu Celiyo

September 1, 2017 - Written by Editor

Maxkamadda ugu saraysa dalka Kenaya ayaa go’aamisay in lagu celiyo doorashadii dhawaan lagu soo gabogabeeyay Kenya ee guddiga doorashadu ay ku sheegeen in uu ku guulaystay madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda ugu saraysa dalka ayaa sheegtay in guddiga doorashada ee Kenya uusan si hufan u qabanin hannaankii doorashada.

Sidaas dareedeedna guddiga doorashadu waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay natiijadii ay dhawaan ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwada qaadaysay ayaa go’aamiyay in aysan si hufan u dhicin doorashadii madaxweynenimadu sidaas daraadeedna waxay amartay in dib loogu noqdo.

Labo ka mid ah garsooreyaasha ayaa qaatay go’aan midkaas ka duwan, halka midkii todobaadna uu ka xannuunsanaa maalmihii u dambeeyay.

Maxkamaddu waxaa kale oo ay amartay in lixdan maalmood gudahood lagu qabto doorashada.  Taariikhda Kenya waa markii koobaad ee doorasho madaxweyne ay maxkamadi dib u celiso.

BBC Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online