Mu’asasada Al-Minhaaj ee Gobolka Nugaal ayaa Bilowday Olole looga hortagayo Anshax Xumada.[Masawiro]

September 20, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Hurumarinta Bulshada oo ku howlan sidii Umadda islaamkaa Guud ahaan gaar ahaan Bulashada Ay kadhax shaqayso u hagaajin lahayd Arimahooda Aakhiro Iyo Aduunba. Waxaana magaalada garowe kusoo banayay Mudooyinkii Danbe arrimo lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa wanaagsan ee ay ina farayso Diinteena suuban waxaana ugu horeeya in lasamaysto Xaflado Lagu haasaawayo Wiilal Iyo Gabdho Iyadoo Qaybo kamid ahna Wiilasha iyo gabdhuhu Faraanti Jacayl Isku geliyaan faraha iyo sidoo kale Wiilasha oo timaha u jarta Si shabahda gaalada iyo cayaartowda.

Ugudanbayn Xafiiska Arimaha Dacwada ee Minhaaj Nugaal ayaa sooqaban qaabiyay Kacdoon Wacyigalin oo balaaran taas oo Dhalinyadara Goobaha Waxbarashada Laga wacyi galin. Waxaana Saakay Culimadu tageen inta badan Dugsiyada Sare ee ku yaal Garoowe waxaana ka mid ahaa Al-Waaxa Waxaana Ardayda kala hadlay Sh Mukhtaar Axmed Faarax Oo Ardayda u jeedshay Dardaaran ku wajahan Hagaajinta Akhiradooda iyo Aduunkooda.

Dugsiga Gambool ayaa isna ka mid ahaa Goobihii Saakay la tegay waxaana Ardayda Halkaas kula hadlay Sh Suldaan C/qani Qorane iyo Sh C/risaaq Dahabi.Waxaana loo balan san yahay In la tago dhamaan goobaha Waxbarashada ee Gobolka Nugaal sidda uu noo sheegay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Sh Maxamed Siciid Xasan (Jamiiqe).

Nuur Jaamac Aadan
Garowe ,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online