R/W DFS Xasan Cali Kheyre oo maanta Booqday Xarunta Wasaaradda Warfaafinta

September 4, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer shaqo ku yimid Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda, uu ugu horeeyo Wasiirka warfaafinta Mudane Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Eng: Yariisow ku xigeenka C/raxmaan Iidan Yoonis iyo qaar kamid ah Agaasimahaasha Waaxyaha ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha hawlaha ka socda Wasaaradda, Waaxyaha kala duwan sida ay u shaqeynayaan iyo dowr ka Wacyi galinta ee Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa aad u amaanay hawlaha ka socda Wasaaradda Warfaafinta, isagoona bogadiyay in la sii dardar galiyo Wacyi galinta bulshada, Mudane Xasan Cali Kahyre ayaa sheegay in Xukuumadda ay si weyn u garab taagan tahay Warbaahinta Dowladda oo kaalin muhiim ah ka qaadaneysa Horumarka Dalka.

Ugu dambeyn Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Wasaaradda Haweenka & Horumarinta Xaquuqul Insaanka oo xarunteeda ay ku dhex taalo Wasaaradda Warfaafinta, wuxuuna warbixin ku saabsan sida ay u socdaan howlaha Wasaardaasi ka dhageystay Wasiirka Haweenka, Marwo Deeqa Yaasiin, Raiisul Wasaaraha ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Wasaaradahan in ay sii xoojiyaan howlaha ay u hayaan bulshada.

Xigasho SONNA
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online