Sidee looga gudbi karaa dhibaatooyinka ay gaystaan dadka sida sharci darada ah daawaynta iyo caafimaadka faraha ugula jira?

September 6, 2017 - Written by Editor

Bosaaso:-Sidee looga gudbi karaa dhibaatooyinka ay gaystaan dadka sida sharci darada ah daawaynta iyo caafimaadka faraha ugula jira?
1) In la xoojiyo dawladnimada iyo qaanuunku inay sareeyaan, maxaa yeelay qaybo badan oo dadkaas kamid ihi dhibaataynta umadda way u bareereen.
2) Cidii umadda hoggaan iyo maamul u sheegata, waxaa waajib ku ah inay xil wayn iska saaraan waxkaqabadka dadka sharcidarada wax ku daawaynaya, heer kasta oo maamulkaasi yahay dawlad dhexe, maamul goboleed, wasaarad, gobol, degmo intaba.

3) In la sameeyo wacyigalin xoogan oo dadka looga baraarujinayo dhibaatooyinka ka imaan kara wax daawaynta khaldan, ama ha ahaato daawooyinkii oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa, ama daawo dhaqameed iyo shifo si khaldan loo adeegsado.

4) Dariiqa saxda ah ee wax daawayntu waa in qofka bukaa u tago dhakhtar takhasus u leh qaybta laga hayo, kadibna la racaa habka dhaqtarku ku taliyey daawo, baaritaan iyo qaliin intaba, taasi waa mida tajribada biniaadamka, laakiin mida ruuxiga ah waxaa noo furan inaan isku tufno quraanka iyo adkaarta saxiixa ah oo Nabi Maxamed NNKH kasoo aroortay.

5) Dhaqaatiirta takhasuska u leh cudurada ay daawaynayaan waa inay Allaah uga baqaan talooyinka iyo daawaynta dadka ay u samaynayaan, oo dadaalkoodu kaliya yuusan noqon siduu qofkaan buka uga faaiidaysan lahaa, ee hanoqdeen dhakhaatiirtaasi la taliye daacad ah, hana ogaadaan haday maanta qaanuunka iyo isla xisaabtanka aduunka ka fakadaan, inay jirto maalin aysan fakan doonin, hana ka taxadaraan agabka iyo daawooyinka ay dadka daawayntiisa u isticmaalayaan intii awoodood ah, dhaqaatiirta qaar oo masuuliyadaas xil iska saaray ayagaa keensada agab caafimaad oo la hubo iyo daawooyin aan been abuur ahayn.

6) Qofkii dhaqtar iska dhiga asagoon aqoon ku filan u lahayn, wixii uu gaysto aduunkana waa loo raacanayaa oo waxaa lagu yeelanayaa mag iyo qisaas iyo qaan sida dadka kale oo umadda ku xadgudba, aakhirona waa danbiile, xoolaha uu ku kasbaana waa xaaraan.

7) Ganacsatada daawada ka shaqaysataa Allaah ha uga baqeen dawooyinka ay iibinayaan, laga bilaabo kuwa soo dajiya ilaa kuwa farmashiyeyaasha ku tafaariiqeeya, oo yaysan ka ganacsan daawooyin aan tayo lahayn ayagoo sidaas ku og, sidoo kalena daawooyinka aan dadka la siin Karin dhaqtarku inuu qoro mooyee yaysan bulshada ka iibin.

 

W/Q Sh Axmed Dheeli

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online