Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray degmada Cadaado

September 27, 2017 - Written by Editor

Cadaado:-Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay gaareeny magaalada Cadaado xarunta KMG ee maamulka Gal Mudug. Xildhibaanada tegay degmada Cadaado ayaa waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari waxaan garoonka Cadaado ku soo dhaweeeyey xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Maamulka Gal-Mudug.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari oo la hadlay saxaafadda ayaa u sheegay in ay u yimadeen magaalada Cadaado in ay xaliyaan khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu saraysa ee Maamulka Gal-Mudug oo u dhexeeyo khilaaf iyo kala aragti duwanaan.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari ayaa xusay in ay la kulmi doonaa labad qaybood ee Madaxada Gal-Mudug ayna si xal waara looga gaaro muranka siyaasadeed ee soo kala dhex gala Madaxda Maamulka Gal-Mudug.

Safarka wafiga Xildhibaanada 2 Gole ay ku gaareen degmada Cadaado ayaa ku soo beegmaya xili qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Gal-Mudug ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf walow arinkaas uu beeniyey Madaxweynuhu.

A/cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online