Gudiga Gurmadka Culimada Safa oo deeq lacag ah ku wareejiyey qoysas ku waxyeeloobay qaraxii is goyska Zoobe.[Masawiro]

October 25, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Gudiga Gurmadka Culimada Safaa ee loo sameeyey dadkii lagu laayey Is Goyska Zoobe ayaa waxaa ay uga mahad celiyen Kaalmadii Jaaliyadda Sweden ee Gurmadka Musiibadii Qaraxii lagu laayey dadka Soomaaliyeed ee ka dhacay Isgoyska Zoobe, Ilaahey mahadii maanta(5 Safar 1439 / 25 October 2017), Gudiga Mu’asasada SAFA ee Gurmadka Musiibadii Soobe waxaa u qabsoomey iney kaalmo lacageed gaarsiiyaan 50 qoys oo ka mid ah dadkii eheladu uga dhinteen Musiibadii Soobe.

Deeqda lacageed qeybteeda koobaad oo dhameyd $30,000 ayaa gudigu ka heleen Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden. Ugu horeyn waxaa goobta ka Hadley Dr. C/wali Sh. Maxamed Xaaji Yuusuf oo ka mida Gudiga Gurmadka Mu’asasada Safa.

Kelmada Dr. C/wali waxey ku saabsaneed sabirsiin uu u jeediyey qoysaska dhibku gaarey oo dad eheladooda ah ku waayey Musiibadii Soobe ka dhacdey. Sh. Maxamuud Sh Axmed Xassan– Abu-Sheyba oo ah gudoomiyaha Gudiga Safa ee Gurmadka Musiibadii Soobe ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedka kulanka oo ah in 50 Qoys oo ka mida dadkii dhibku gaarey iney gudoon siinayaan lacag cadaana oo dabka ay ku sii shitaan, qoys walba oo dadkan ka mid ah ayaa la siinayey $300.

Sidoo kale Sheekh Abu-Sheyba wuxuu sheegay $30,000 ee ka soo gaartey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden iney maanta & beri kala gaarsiinayaan 100 Qoys oo ka mid ah dadkii ehelkooda ku waayey musiibadii Zoobe. Sidoo kale ay jirto $20,000 oo kale ay isla Jaaliyadda Sweden ka filayaan iney kasoo gaarto isla maanta Insha Allah, waxaa Goob Joog ahaa Xafladaa Xubno ka Socday Gudiga Heer Qaran ee Loo Saaray Musiibadii Soobe.

Gudiga Gurmadka Culimada ee Mu’assasad Safa
Muqdisho,Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online