Hooyo iyo ilmaheeda lagu Dilay Duleedka Qandala.

October 20, 2017 - Written by Editor

Kooxo hubeysan ayaa xalay Tuulada Canjeel ee ka tirsan degmada Qandala waxay ku dileen Haweeney iyo Ilmo ay dhashay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in koox hubeysan oo ka tirsan ururka Daacish ay ka danbeeyeen dilka hooyada iyo Ilmaheeda.

Lama oga sababta dhalisay weerarkaas ay dadku ku dhinteen, haseyeeshee sanadihii la soo dhaafay ayaa buuraleyda degmada Qandala waxaa ku dhuumaaleysanayey kooxo ku abtirsaada ururka Daacish.

Kooxdan oo horey u qabsaday magaalada xeebta ku taal ee Qandala, hase yeeshee ciidamada Puntland ayaa dib gacantooda waxay magaaladaasi ugu soo noqotay 7-dii bishii December ee sandkii 2016, iyadoo deegaamo ka tirsan degmada Qandala uu dagaal ku dhex maray Ciidamada Puntland iyo ururka Daacish.

Ma aha markii ugu horeysay ee fal caynkan oo kale ah ay ururka Daacish ka fuliyaan dhulka buuraleyda ah eek u teedsan degmada Qandala, waxaana tirade dadka ay dileen noqonaysaa 7 qof oo isugu jira Askar iyo Shacab.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online