Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga ka Jaray Suuq Ganacsi oo Lagu Magcaabo New Bosaso Market.[Masawiro]

October 2, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 02 October 2017 magaalada Boosaaso xadhiga kaga jaray suuq ganacsi oo casri ah oo magaaladaasi laga hirgelyey. Xadhig jarka suuqani cusub ee New Bosaso Market ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, taliska qaybta gobolka Bari iyo qaar kamid ah bulshada rayid ka ah ee magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn boqaadiyey cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta suuqani cusub gaar ahaan dawladda Jaban oo bixisay kharashka ku baxay mashruucani iyo weliba hay’adda UNOPS iyo degmada Boosaaso oo ka qayb qaatay qalabaynta Mashruuca, iyo shirkadda Albashid oo dhistay dhismaha mashruuca, islamar’ahaantaana waxaa uu Madaxweynuhu xusay in qaabka loo dhisay loona qalabeeyey suuqani cusub uu yahay mid wax ku oola oo ay mustaqbalka u’aayidoonaan bulshada magaalada Boosaaso, dhinaca kalena waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo ganacsatada suuqani agaasimidoona in goobtani sida ay maanta tahay lagu hayo oo lagu illaaliyo.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha mashruucani kamid yahay horumarka ay ku talaabsanayso Puntland gaar ahaan gobolka Bari, welibana waxa uu xusay Madaxweynuhu in suuqyo badan oo noocanoo kale ah dawladdu ku tala-jirto inay dalka ka hirgeliso dhowaanna magaalada Boosaaso laga hirgelindoono mashaariic kale oo wax ku oola.

Duqa degmada Boosaaso Yaasiin Mire Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyey ganacsiyada kala duwan ee lagaga faa’iidaysan doono suuqani, waxaana uu sheegay in suuqani isugu jiridoono gacacsiyo ay kamid yihiin kaluunka, qudaarta, hilibka, bagaashka, qaybta dahabka iyo walxaha lasyku qurxiyo (Cosmetics), isla markaana waxa uu xusay duqa degmada Boosaaso in ay qayb ka noqon doonaan bulshada rayidka ah iyo weliba dadka Yamaniyiinta ah ee kasoo hayaamay dagaalada ka socda Yeman ee ku dhaqan magaalada Boosaaso.

Guddomiyaha gobolka Bari Maxamed Yuusuf Wacays ayaa dhankiisa xusay in mashruucani guul weyn usoo hooyey xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas maadaama ay ku guulaysteen dhismaha mashruucani halka ay u suura geliweydey dawladdihii ka horeeyey inay dhisaan goobtani maanta muhiim ka u ah shacabka magaalada Boosaaso ee uu xadhigga ka jaray Madaxweynuhu.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta reer miyiga oo isna kahadlay furitaankii mashruucani ayaa sheegay 2005 in uu ahaa Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee dawladda Puntland wakhtigaasina uu ku guulaystay inuu goobtani ku wareejiyo dawladda hoose ee degmada Boosaaso, sidaasi darteedna uu ku faraxsan yahay guulna u tahay inay ku guulaysato dhismaha goobtani xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in laga wada qayb qaato horumarka iyo halganka Puntland lagu gaadhsiinayo dawladdaha horumaray, gaar ahaana kor uqaadida ganacsiga Puntland ee dawladdu xooga ku saarayso inuu ahaado mid horumarsan.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKAA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online