Madaxweynaha Jubbaland oo tacsi u diray Shacabii lagu gumaaday Muqdisho (Video)

October 15, 2017 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaas lagu gumaaday boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ugu baaqay madaxada DFS iyo dhamaan siyaasiyiinta dalka in loo soo jeesto sugitaanka amniga iyo la dagaalka kooxda caadeystay Gumaadka shacabka Soomaaliyeed ee Al-Shabaab .

Madaxweynaha Jubbaland ayaa is weydiiyay cidda la xukumi doono haddii shacabka maalin walbo la gumaado oo qaraxyadu ay sidaan u sii socdaan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu danbeyntii tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay qaraxii Isgoyska Zope wuxuuna caafimaad u rajeeyey kuwii ku dhaawacmay.

Hoos ka Daawo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe )oo ka tacsiyeeyey Musiibadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online