Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay magaalada Kismaayo.[Masawiro]

October 8, 2017 - Written by Editor

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhawayd u ambabaxay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose halkaas oo uu uga qeyb gali doono shir u furmaya Maamul gobaleedyada dalka. Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ay ka dhoofeen garoonka Diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaaana socdaalkiisa ku weheliyey wasiiro iyo xubno ka tirsan labada gole ee Puntland.

Madaxweynayaaasha Maamul gobaleedyada ayaa dhamaantood isagu tagi doona magaalada Kismaayo iyaga oo ka hadli doona arimo ay ka mid yihiin Khilaafka Galmudug ee lagu eedeynayo madaxada DFS iyo arimaha Federaalka iyo Dustuurka. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa intii usan ka dhoofin garoonka diyaradaha ee Boosaso waxaa uu ka hadlaya muhimada shirka ka furmaya kismaayo wuxuuna sheegay shirka uusan carqalad ku ahayd madaxda JFS. Waxaa sidoo kale gaaray magaalada Kismaayo Madaxweynayaasha Maamulada Galmdug , Hirshabeel ,G/galbeed iyo Puntland .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online