Qarax uu fuliyey qof naftii Haliga ah oo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

October 24, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in qof naftii haliga ah oo watay gaari gacan uu ku qarxay kaligiis xili uu ku sugnaa goob shaaha laga cabo oo ku dhow Saldhigga Bartamaha ee Magaalada Boosaaso, goobta qarax uu ka dhacay ayaa waxaa inta badan imaan jiray ciidanka Booliska oo ka iibsan jiray qaadka iyo Shaaha waxaan la filayaa in bartilmaameedku uu ahaa in ciidanka halkaas loo dhigo qaraxa.

Saraakiisha amaanka ee Boosaaso ayaa sheegay in qaraxu uu ku dhintay qofkii nafti haligaha ahaa waxaan ku dhaawacmay 6 qof oo uu ku jiro ilmo yar oo da’diisa lagu qiyaasay 4 jir,Qaraxa ka dib ayaa ciidamada ammaanka waxaa ay rideen rasaas laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Boosaaso.

Goob jooge laga waraystay qarax ka dhacay Boosaaso ayaa saxaaafadda u sheega in qof nafi haliga ah ah uu qorshihiisu ahaa in uu dil dad badan oo shacab ah oo ku sugnaa agagaarka saldhiga Bartamaha ee Boosaaso oo ah meel aad u mashquul badan balse Alle ayaa reer boosaaso ka badbaadiyey qaraxaas.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online