Sh.Mukhtaar Roobow ”Kuwa shacabka ku laayey is goyka Zoobe wax ay fahmayaan waa luqada Rasaasta”[ Video]

October 16, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Sh.Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-shabaab noqdayna ku xigeenka iyo afhayeenka Al-shabaab ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda iyo Tv-ga SNTV waxaa wax laga wiidiyey sidda uu bal u arko qaraxii khasaaro badan geystay ee ka dhacay is goyska Zoobe iyo wax uu yahay xalka lagu joojin karo qaraxyada lagu laayo dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee muslinka ee aan waxba galabsan.

Sh.Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay si wanaagsan iskugu gurmadeen waxaan uu mahad baladhan u soo jeediyey dowladda Turkiga oo gar gaarkii ugu horeeyey soo gaarsiisay dadkii shacabka ahaa ee dhaawac yada culus uu ka soo gaaray Qaraxii ka dhacay is goyska Zoobe.

Sh.Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ugu baaqay dhalinyarad in ay ka fogaadaan in dadka Soomaaliyeed ee Muslinka ah ay dhiigooda xalaashadaan ayna ka soo laabtaan fikriga guracan ee lagu laynayo shacabka Soomaaliyeed inta ay hadda weli nool yihiiin oo aysan u imaan geerida.

Sh.Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ku booriyey in culimada Soomaaliyeed in ay u dhiiradaan sidda culimada qaarkooda ay uga hadleen in aysan banaanayn in dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee muslinka ah la xalaashado waxaan uu bogaadiyey culimada Soomaaliyeed ee sidda kulul uga hadashay qaraxii ka dhacay is goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ugu danbayntii ayaa Sh.Mukhtaar Roobow waxaa ku baaqay in la iska dhiciyo kuwa shacabkii Soomaaliyeed sidaas ugu laayey is goyska Zoobe ee Muqdisho ayna Midoobaan kana fogaadaan khilaafka dhexdooda ah cadawgaasna wax kaliya oo ay fahmi karaan waa luqada rasaasta.

Hoos ka Daawo waraysi uu SNTV la yeeshay Sh.Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online