Wasiirka caafimaadka dowladda Turkiga oo soo gaaray magaalada Muqdisho[Masawiro]

October 16, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Waxaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho e caasimada dalka Somaaliya wafdi u hogaaminayo wasiirka caafimaadka ee dowladda Turkiga, Wafdigaan ayaa waxa la socda dhakhaatiir caafimaad iyo kalkaaliyaa doonaya in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan shacabkii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay qaraxii ka dhacay Is goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka caafimaadka dowlada Turkiga oo warbaahinta kuala hadlay markii u ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa xusay in uu aad uga xun yahay khasaarihii dhimasho iyo dhawac ee gaaray shacabka Soomaaliyeed waxaan uu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

Wafdiga Wasiirka caafimaadka dowlada Turkiga ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde e magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey Ra’iisul wasaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Arrimaha dibada Yusuf Garaad iyo Xildhbaano ka tirsan golaha wakiilada ee Soomaaliya.

Dhinac kale Dowladda Turkiga ayaa diyaarada khaas ah u soo dirtay dadkii qabay dhaawac yada culus waxaan loo qaaday dalka Turkiga halkaas oo lagu soo daweyn doono. Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horaysay oo gargaar deg deg ah la soo gaartay shacabka Soomaaliyeed ee ay arxan laawayaashu ku xasuuqeen Is-goyska Zoobe ee magaalada Muqdisho

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online