Weerar Xalay Saqdii dhexe ka dhacay Kantroolka magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari

October 9, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Xalay Saqdii dhexe ayaa koox hubaysan waxaa ay weerar ku soo qaadeen Kantoroolka hore ee laga soo galo Magaalada Boosaso ee xarunta Gobolka Bari, halkaas oo ay ciidamadu Boolisku ay ku baaraan dadka soo galaya iyo gaadiidkaba. Koox la rumaysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa soo qaaday weerarka waxaan uu iska horimaad kooban uu dhex maray ciidamadii ku sugnaa Kantroolka Boosaaso laga soo galo waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha ciidanka Puntland oo ka hadlay iska horimaadka ka dhacay Kantroolka hore ee Boosaaso ayaa sheegay in weerar uga yimid Al-shabaab xalay ay iska difaaceen balse dad rayid ah oo taagnaa Kantroolka Boosaaso iyo ciidanba ay soo gaartay dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale ma jirto ilaa hadda wax faahfaahin oo ay bixiyeen Maamulka Gobolka Bari ee ku saabsan iska horimaadka xalay ka dhacay Kantroolka Boosaaso iyo weliba khasaaraha ka dhashay. Ilo wareed ku sugan Boosaaso oo Halgan.net la xiriirtay ayaa waxaa ay u sheegeen in weerarkii xalay ay ku dhinteen 3 askari iyo 3 shacab ah waxaan ku dhaawacmay ilaa 11 qof oo isku jira shacab iyo askar.

Ma jiro ilaa hadda xog rasmi oo ku saabsan khasaaraha soo gaaray kooxdii Al-shabaab ee xalay 1-dii habeenimo soo weerartay Kantroolka Boosaaso ,dad badan oo ku sugan Boosaaso ayaa is wiidiinaya wax ay weeraradu u dhacaan marka Madxda ugu saraysa ee Puntland ay ka maqan yihiin Puntland iyo sababta Al-shabaab iyo taageerayaashooda ku sugan Boosaaso ay weerarkood ugu beegaan marka Madaxweynaha Puntland Dr.Gaas uu ka maqan yahay Puntland.

M_M_Deeq
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
October 2017
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online