Ciidanka Amniga Puntland PSF oo howl gal ka fuliyey deeganka Harweyn ee Buuraha Cal Madow.[Masawiro]

November 4, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidanka Amniga Puntland PSF oo ay weheliyaan ciidamada kale ee difaaca dowladda Puntland ayaa maanta 04 November, 2017 waxaa ay howl gal ka fuliyeen si wada jir ah Buuraha Calmadow gaar ahaan degaanka Harweyn ee Buuraha Cal Madow.

Sarkaalka u hadlay Ciidanka Puntland ayaa sheegay in howl galka ay ka fuliyeen deegaanka Harweyn ay guul ka gaareen ayna burburiyeen saldhig ay cidanka Al-shabaab ku lahayeen deegaanka waxaan uu sheegay in howl galku uu sii soco doono.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidanka Amniga Puntland (PSF) iyo Ciidanka badda Puntland ay howl gal ka fuliyeen si wada jir ah Buuraha Calmadow gaar ahan deegaanka Dolqooxle oo hoostaga tuulada Afurur ee gobolka Sanaag iyagoo sheegay in howl galkaas ay ku soo qabteen 5 xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab.

Ma ah markii ugu horaysay oo dagaalo fool ka fool ah ay ku dhexmaraan deegaano ka tirsan Buuraha Calmodow ciidanka Puntland iyo ururka Al-shabaab waxaa ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dhinac Al-shabaab ee ku sugan Buuraha Calmadow ayaa weeraro gaadmo ah oo dhowr ah ku qaaday fariisamo ay leeyihin ciidanka Daraawiishta Puntland ay ku geysteen khasaaro kale duwan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online