Golayaasha fulinta Al-minhaaj Gobolka Mudug oo safar dacwo ku tegay degmada Xarfo.[Video/Masawiro]

November 23, 2017 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Maalinnimadii jimcaha ee ku beegnayd 17/Nov/2017 ayaa waxaa rixlo dacwo ah ugu ambabaxay degmada xarfo golayaasha fulinta Mu’asasada Al-minhaaj Gobolka Mudug. Kulankaan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ku kulmaan golayaasha fulinta mu’asasada Alminhaaj G/Mudug ayaa waxaa kasoo qayb galay magaalooyinka kala ah:-

1- Gaalkacyo

2- Galdogob

3- Bursaalax

4- Bacaadweyn

5- Xarfo

6- Cagaaran

Kulankaan oo looga tashanayay hormarinta dacwada Gobolka Mudug ayaa isbarasho ka dib waxaa kalmad wacdi ah kas oo jeediyay Sh, C/naasir yuusuf Xuseyn ka dib waxaa kalmad maamulka iyo maareynta ku saabsan oo aad looga faa’iidaystay kulanka ka soo jeediyay Sh, C/laahi Cali Ugaas.

Intaas markii laga soo gudbey waxaa kalmado ay uga warbixayaan dacwada degmooyinka lasiiyay gudoomiyayaasha Mu’asasada Al-minhaaj ee kasocdey lixdii degmo ee kasoo gaybgalay kulankaan waxa ayna si kooban uga warbixiyeen heerka dacwo ee degmiiyinka gobolka, fursadaha ay haystaan, iyo caqabadaha hortaagan.

Gudoomiyaha Mu’asasada G/mudug Sh. Cawil Axmed Muumin oo kalmadahaas kadib hadalka qaatay ayaa si guud ugu mahad celiyay guddoonka iyo xubnaha mu’asasada Al-minhaaj ee degmada xarfo oo kulankaan martigeliyay waxa uu soo jeediyay kalmad dardaaran ah oo aad uqiimo badan kadibna waxaa uu sagootiyay dhammaan akhyaarta ku hawlan hormarinta dacwada gobolka isagoo sheegay inuu usafri doono magaalada hargeysa oo uu waxbarasho u aadi doono.

Waxaa markaas lagaaray waqtigii salaadda duhur markii latukadey kadibna qado,hurdo, iyo Nashaadaad yar-yar kadib waxaa lagaarey waqtigii salaadda casar markii latukadey kadibna waxaa laga dooday qodobbo dhawr ahaa oo si guruubyo ah looga dooday kadibna lagasoo saarey go’aammo la isla gartay in lugu hormarin karo dacwada gobolka oo ay ka mid ahaayeen.

1- in la magacaabo Guddoomiyaha Mu’asasada G/mudug una madax bannaan gobolka oo aan isku hayn xilka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo sidii gudoomiyihii hore.

2- In la isku xiro xubnaha mu’asasada G/mudug loona sameeyo guruubyo ay kuwada xiriiraan.

3- In la labo-labo loo walaaleeyo degmooyinka G/mudug si ay isaga kaashadaan Hormarinta Dacwada.

4- In labadiyo kulammada noocaan ah degmo kastana ay markeeda marti geliso.

5- In dhammaan qodobadii laga doodey sidii la isla gartey xal looga gaaro isla markaana Hormarinta iyo dacwda gobolka la isku kaashado.

Gabagabadii kulanka waxaa kalmad kusaabsan hoggaamiyaha iyo hoggaaminta kasoo jeediyay Ustaad. Ibraahim Daahir Axmed oo si kooban uga faa’iideeyay waqtigii lasiiyay kadibna waxaa laqaatey kulammo gaar-gaar ah qiimeyn kadibna waxaa lasoo gabagabeeyay kulan aan caadi ahayn oo degmada xarfo ku qabsoomay.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Mu’asada Galdogob Sh. Farxaan Axmed Busur ayaa kulanka danbe martigelintiisa qaatay waxaana la isugu imaan doonaa Degmada Galdogob Haddi uu Allaah idmo.

Hoos ka Daawo Dacwo Iyo Dalxiis golayaasha fulinta ee Al-minhaaj ee Gobolka Mudug 

Mu’asasada Al-minhaaj
ee Gobolka mudug

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online