Madaxweynaha Puntland oo Degmada Xumbays u magacaabay Guddoomiye iyo ku-xigeen.

November 14, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 136 November 13 2017 ayaa loogu magacaabay si ku meel gaar ah degmada Xumbays Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Tala soojeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa Axmed Yuusuf Cusmaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada Xumbays. Waxaa Bashiir Maxamed Cali [Galla] si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Xumbays. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online