Mu,asasada Safa iyo Gurmada Musiibadii Soobe Warbixin (Masawiro +Video)

November 15, 2017 - Written by Editor

Mu,asasada Safa ayaa waxaa ay ka mid tahay Mu,asasooyinka u istaagay in ay u gurmadaan dadkii ehelkooda ay Al-Shabaab ku xasuuqeen qaraxii Isgoyska Soobe oo ay ku dhinteen 414 qof waxaana ku dhaawacmay in ka badan 1000 qof.

Mu,asasada Safa ayaa waxay qeylo dhaan u dirtay iyada oo inta karaankeeda u gurmaneysa shacabkii ay dhibta ku dhacday dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caalamka waxaana ay si hufan oo karti leh ugu qeybisay dhamaan wixii gurmad ah oo ay jaaliyadaha Soomaaliyeed ay soo gaarsiiyeen Mu,asasada Safa .

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee sida gaara u amaanan ee Mu,asasada Safa soo gaarsiiyey lacago kala duwan waxaa laga xusi karaa

1-Jaaliyada Soomaaliyeed ee Tanzania iyo Magaalada Jonkoping ee Sweden .
Waxaa wali ka socda Gurmadka loogu gurmanayo Agoonta & Hooyooyinka ehelkooda ku waayey mudiibadii is goyska Soobe oo dad & hanti badan ku baaba’dey. Mu’asasada Safa ee Dacwada & Hormarinta oo kaashaneysa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Tanzania & Sweden waxaa maantana deeqo lacageed la gaarsiiyey Agoon & Qoysas ehelkooda ku waayey Musiibadii dhacdey.

39 Agoon oo abaayaashood ku waayey musiibadii dhacdey ayaa la gudoonsiiyey deeq lacageed oo ka timid Jaaliyada Soomaaliyeed ee Tanzania. Agoon walba waxaa la siiyey lacag dhacan $300 oo loogu tala galey iney kaabid ugu noqoto nolosha & Waxbarashada.

Sidoo kale lacag gudiga gurmadka ee Safa kasoo gaadhey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Jonkoping ee Sweden ayaa la gaarsiiyey 30 Qoys oo iyana ehelkooda ku waayey musiibadii Soobe, waxaana qoys walba la siiyey lacag $200 ah.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada stockholm ee xarunta dalka Sweden.
Mu’asasada Safa ee Dacwada & hormarinta ayaa maalintii Saddexaad qeybisey kaalmo lacageed oo Shirkada Amal & Jaaliyada Soomaaliyeed ee Sweden ka timid looguna tala galey Gurmadka Muusiibadii Soobe. Tiro 100 Qoys ayaa maanta ka faa’iideysatey kaalmada Gurmadka Musiibadii Soobe, waxaana qoyskiiba la siiyey sida kuwii horeba $300 oo loogu talo galey iney dabka ku sii shitaan. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka kala socdey Gudiga Gurmadka Qaran & Gudiga Mu’asasada Safa oo kala ah:-

– Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey), Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Gurmadka Qaran.

– Sh. Maxamuud Sh. Axmed Abu Sheyba, Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka ee Safa.

– Dr. Sh. Haaruun Sheikh.

– Sh. C/fataax Xasan Axmed.

– Sh. C/casiis Cali Xasan.

3-Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka South Africa.
Mu’asasada Safa ee Dacwada & Hormarinta oo kaashaneysa Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa maanta kaalmo lacageed gudoonsiiyey 200 Agoon oo ka kala socdey 70 Qoys oo ka mida dadkii musiibadu kasoo gaadhey dhacdadii Soobe ee 14-kii bishii October ee na dhaaftey.
Agoon walba waxaa la gudoonsiiyey lacag $300 Dollar, taas oo loogu tala galey iney kaabid u noqoto Nolasha & Waxbarashada Agoonka muddo 6 bilood ah.
Agoonta maanta kaalmada lacageed la gudoonsiiyey waxaa ka mida kuwo isku darsadey rajanimo & agoon.
Deeqdan oo ku dhaweyd $70,000 waxaa Agoonta soo gaarsiiyey jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ooy wakiil uga ahaayeen:
1- Sh. Maxamuud Maxamed Adar
2- Xaaji Caynte Cusmaan.

Gudiga Gurmadka Mu’asasada
Safa ee Dacwada iyo Horumarinta .

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online