Taliyaha Ciidanka badda Puntland oo beeniyey in Askari ka tirsan Ciidankiisa uu fal kufsi ah u geystay gabadh 15 jir ah.[Dhagayso]

November 6, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Taliyaha Ciidamada badda Xeebaha Puntland Admiraal C/rsaaq Diiriye Faarax oo la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu beeniyey
in ninka falka kufsiga ah u geystay gabadha Soomaaliyeed uusan ka tirsanayn cidanka Badda Puntland sidda saxaafadda Soomaalida ay u sheegtay arrinka. Taliyaha Ciidamada badda Xeebaha Puntland Admiraal C/irsaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay falkaas ayna ciidanka amniga Puntland ay ku daba jiraan ninka falka geystay oo baxsaday ,Taliyaha xiriir uu la sameeyey Taliska guud ee ciidanka Booliska Boosaaso ayaa loo xaqiijiyey in lagu daba jiro ninka falka kufsiga geystay.

Dhinac kale Taliyaha Ciidamada badda Xeebaha Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax ayaa ugu baaqay waalidinta in ay ilaashadaan caruurtooda gaar ahaan gabdhaha oo haddii ay doonayaan in ay la sheekeystaan ragga ay ugu yimadaan guryahooda oo aan loo ogalaan gabdhaha in ay habeen bar dibada wareegaan.

Hoos ka Dhagayso Taliyaha Ciidamada badda Xeebaha Puntland Admiraal Cabdirsaaq Diiriye Faarax oo la hadlay warbaahinta

[audio:https://halgan.net/halgan/wp-content/uploads/2017/11/Taliyaha-Ciidanka-Badda-oo-beeniyey.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,019 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>