Wasiirka Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka DFS Dr’s Maryan Qaasim oo si casishay

November 15, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirkii Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr’s Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta ku dhawaaqday in xilkeedii wasiirnimo ay iska casishay . Dr’s Maryan Qaasim ayaa is casilaadeeda waxa ay ku sheegtay daruufo u gaar ah, ma jirto wax faahfaahin oo ay ka bixisay oo dheeraad ah balse warar hoose oo soo bxay ayaa sheegay in Dr’s Maryan Qaasim xilka loo igmaday wasiiro aan qaabilsanayan ay ku soo fara geliyeen ilaa intii uu dhacay qaraxii Is-goyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Dr’s Maryan Qaasim ayaa waxaa ay noqonaysa wasiirkii labaad oo ka tirsan xukuumada ra’iisul wsaare Kheyre ee is casila waxaan horay shaqada uga tegay wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya C/rashiid C/laahi Maxamed.

Ma jiro ilaa hadda masuul ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay is casilaada Wasiirkii Gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr’s Maryan Qaasim Axmed.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online