Golaha Walaalaynta Bulshada Iyo Qabyaalad diidka oo Garoowe ku qabtay Muxaadaraad (Daawo)

December 8, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa maalmihii lasoo dhaafay guud ahaan puntland gaar ahaan Garowe laga hadalhayay gole lamagac baxay Walaalaynta Bulshada iyo Qabyaalad diidka kuwaas oo aragtidoodu tahay sidii loo helilahaa Bulshada soomaaliyeed oo midaysan islamarkaana kabaxday qabyaaladda  Iyo Colaadda .

Golahaan oo dhawaan lagaga dhawaaqay Garoowe ayaa mudadii uu jiray waxaa uu bilaabay olole Bulshada lagu wacyigalinayo islamarkaana lagu baraarujinayo Shareecada Islaamku Waxay  kaqabto Qabyaalada .

Muxaadaraadkaan oo kaga duwan kuwii hore marka laga eego Halkudhiga Ugaarka ah qabyaaladda iyo Culimada soojeedinaysa oo iyana ah Culimadii kasoo baxday Macadul Caali oo ah Macad Soosaara Culimo Aqoon durugsan u leh Shareecada Islaamka .

Muxaadaraatkaani waxay kasocdeen habeenkii Masjidka Al-Huda Garowe Maalintina waxay kasocdaan Masjidka Al-Raxma waxaana lasoo afmerayaa Habeenka Jumcaha .

Dadweynaha Reer garowe oo aad ugafaa iidaystay ayaa sheegay in ay  kaqayb qaadan doonaan sidii loo diidi lahaa qabyaalad islamarkaana loo walaalayn lahaa Bulshada.

Golaha Walaalaynta Bulshada Iyo Qabyaalad diidka
Garoowe
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,018 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>