Hay’adda Culumada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saartay ee arinka Qudus(Akhriso)

December 7, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:-Hay’adda Culumada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saartay go,aankii dowlada mareykanka ay Qudus ugu aqoonsatay caasimada yahuuda xooga ku heystay dalka Falastiin waxaana ay Hay’adda Culumada Soomaaliyeed  ugu baaqday Muslimiinta in ay garab istaagaan shacabka falastiin.Bayaanka oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Halgan.net ayaa sidan u qornaa.

Hay’adda Culumada Soomaaliyeed waxay isha ku haysay kana fajiciyay go’aanka dowladda maraykanka ay ku dhawaaqday oo ah in magaalada barakaysan ee Qudus ay tahay Caasimadda Dowladda Yahuudda. Marka Hay’adda Culumadu, ayadoo gudanaysa waajibka ka saran difaaca diinta iyo dhulka muslimiinta , waxay caddaynaysaa:

1-Waxay aad u cambaaraynaysaa go’aankaas dulmiga ku dhisan , oona dhaawacaya
dareenka malaayiinta muslimiinta ah. waana go’aan aan loo meel dayin , oona khilaafsan
xitaa go’aamada ka soo baxay golayaasha UNta iyo kuwa la midka ah.

2-Go’aankaas wuxuu soo kordhin karaa, kaliya, dhibaato hor leh oo meelo badan gaaraysa , wuxuuna shidayaa dab dad badan ku guban doonaan.

3-Khilaafka iyo tafaraaruqa muslimiinta ayaa sahlay oo sallaxay in go’aankaas la gaaro , ninkii ishiisa laga arko ayaa ushiisa lagu garaacaa, marka ha la midoobo hana lagu toosnaado diinta si haybad iyo sharaf loo helo .

4- Waxaan ugu yeeraynaa dowladaha muslimka ah in ay jawaab adag ka bixiyaan go’aankaas , aynaa si dhab ah u garab istaagaan shacabka Falasdiin.

Sidoo kale waxaan ka dalbanaynaa golayaasha caalamiga ah in ay ka horyimaadaan go’aankaas khatarta ku ah xoogaagii ka haray nabadda adduunka.

Wa billaahi towfiiq
Golaha fulinta Hay’adda culumada soomaaliyeed
Muqdisho- Somaaliya

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online