Kulan looga hadlayo u hiilinta Quddus oo lagu qabtay magaalada Boosaaso.[Masawiro]

December 13, 2017 - Written by Editor

Boosaaso:-Waxaa Xalay hoolka munaasabadaha iyo xafladaha ee jaamacadda Bariga afrika si habsami leh loogu qabtay Barnaamij logu magacdaray kulanka Jamaahiireed ee u hiilinta Quddus , waxaana iska kaashaday hirgalintiisa xarunta geeska afrika iyo Jaamacadda Bariga afrika.

Kulankaan loogu hiilinayo Quddus ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan Culamaau’diin, Aqoonyahano, Nabadoono, Abwaano , Jaaliyadaha walaalaha carbeed ee ku nool magaalada Boosaso , arday iskugu Jira gabdho iyo wiilalba .

Kulanka ayaa Waxaa laga soo jeediyay kalmado kala duwan nuxurka iyo biya dhacoodu ahaa ahmiyadda ay leedahay Qudus umadda islaamka iyo inaan sinaba dood iyo gorgortan loo galin Karin. Masuuliyintii iyo bulshadii ka soo qayb gashay kulanka ayaa waxaa si isku mid ah ugu nuuxnuuxsadeen badankood – inti madasha ka hadashay – in la qaato asbaabtaha keena guusha oo ay ugu horeeso midaynta iyo walaalaynta umadda Soomaaliyeed guud ahaan gaarv ahaan umada Islaamka . Gabagabadii kulanka ayaa waxaa  laga soo jeediyay nashiidooyin iyo gabayo in badan dadku ay u riyaaqeen.

Jaamacadda Bariga afrika.
Boosaaso, Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online