Madaxweynaha Jubbaland la dagaalanka Al-shabaab waxaa ku yimid gaabis

December 6, 2017 - Written by Editor

Muqdisho:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Shirka Amniga Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan Dowladaha tageera Soomaaliya ayaa sheegay in loo bahan yahay dabagal dhab ah iyo isla Xisaabtan la xiriira sababaha Al-Shabaab looga saari layahay deeganada ay wali joogan iyadoo boqolaal milyan lagu bixiyo hawlgalka AMISOM taas badalkeedana aanay si joogta ah mushaarka u helin Ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in beesha Caalamka looga baahan yahay in AMISOM ay kula xisaabtamaan dhaqaalaha faraha badan ee ay ku bixiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab sidoo kalana Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada looga bahan yahay in ay ku Xisaabtamaan in Ajinabi uuna Soomaaliya waligii joogaynin ee ay dhisaan Ciidamada Qaranka.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Ciidamada Soomaaliya oo kumanaaan ah aysan haysanin tasiilaadkii ku filaa iyo tababar toona lakiin marka iyaga iyo AMISOM la isku geeyo ay ka badan yihiin kana awood weyn yihiin Al-Shabaab .

Shirarka ayuu Madaxweynahu sheegay in la joogo wakhtigii ficil loo badali lahaa isla markana su’aalo la iska weydiin lahaa halka ay wax ka khaldan yihiin iyadoo horay loo sii soconayo.
Ki
Madaxweynahu wuxuu ku baaqay in hawlgalada wakhtigan la dardar galiyo oo laga shaqeeyo sidii wakhtiga kooban ee AMISOM u garay uu u noqon lahaa mid laga faa’iidaysto isla markana la dardar galiyo dhismaha Ciidamada Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online