Ra’iisul Wasaaraha DFS Dowladda Mareykanku ma aysan joojin taageerada dhanka amniga

December 16, 2017 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay hakinta dawladda Mareykanka ee gargaarkii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Is-afgarad dhex-maray dawladaha Soomaaliya iyo Mareykanka uu sababay in si kumeel gaar ah loo hakiyo mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada Xoogga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in dawladdu ay ka shaqeynaysay in muddo ah sidii loo dhaqangelin lahaa nidaam ku dhisan iska xisaabtan iyo daahfurnaan, isla markaana ay dalalka caalamka ee taageera Soomaaliya ku qanceen. Iyadoo tani ay cadeyn u tahay warbixintii ay dhowaan soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo muujisay sida ay nooga go’antahay inaan dib u habeyn ku sameyno hay’adaha dawladda iyo daahfurnaanta maamulka maaliyadda dalka.

“Annaga oo taas ka duuleyna waxaan hirgelinay in ciidankeenna lagu diiwaangeliyo qaab casriyeysan oo electronic ah kaasoo ka hortagaya in la musuqmaasuqo dhaqaalaha ay dowladda ku bixiso ciidamada iyo gargaarka amni ee aan ka helno dalalka saaxiibada nahay”.Ayuu yiri RW Khayre oo intaas raaciyey.

“Waxaa kale oo aan rabaa inaan idinla wadaago in dawladda Soomaaliya ay sameysay daraasad muddo dheer aan wadnay oo haatan lasoo gabogabeeyay. Daraasaddaas oo lagu qiimeynayay tirada, tayada, qalabka ay haystaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan ciidamada XDS”.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xusay si loo ogaado caqabadaha ragaadiyay dhismaha ciidamada in la sameeyey baaritaano qoto dheer oo lagu ogaaday in ay jiraan ciidamo diiwaangashan balse aan soo shaqo tagin, kuwa naafo ah oo shaqeynaya iyo kuwa dhintay oo wali ku jira liiska ciidamada shaqeeya, taasina waxay sababtay in la ogaado tirada dhabta ah ee ciidamada, agabka ay haystaan, darajooyinka ay sitaan iyo meelaha ay ka hawlgalaan.

“Waxaa jira dalal naga caawiya mushaar bixinta ciidamada oo aan horay isula garannay inaan soo dhameystirno daraasadda aan soo xusay si aan u dejino qorshe dhameystiran oo qeexayo taageerada aan ka rabno iyo qaab dhismeedka ciidamada. Is-afgaradkan ayaa waxaa uu sababay in dawladda Mareykanka oo dalalkaas kamid ah ay si kumeel gaar ah u hakiso mushaar bixinta qaar kamid ah ciidamada”.Ayuu yiri R/Wasaaraha oo intaas ku daray in Dawladda Mareykanka aysan joojin taageerada ay la garab taagantahay Dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu sheegay in heer gabogabo ah marayo qorshe ka dhashay daarasadka la sameeyay ee xoojinaya isla xisaabtanka iyo hufnaanta hannaanka loo maamulo kaalmada dhanka amniga ah ee Soomaaliya ka hesho caalamka, dhowaana ay dib u bilaaban doonto mushaaraadka iyo kaalmada amniga.

—-Dhamaad_—-

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online