Xafiiska arimaha ardayda ee JBA oo booqday faraca Jaamacadda ee Qardho (Masawiro)

December 7, 2017 - Written by Editor

Qardho:-Booqashada oo la qorsheeyey Mudo ka hor ayaa qabsoontay xiligeedii oo ahaa 2/4 Dec 2017, waxaana xafiisku ugu talo galay dardargalinta iyo ka qaybgalinta ardayda jaamacadda ee faracaas laga qaybgalinayo Istiraatiijiyadda horumarinta ardayga ee JBA iyo waliba u kuurgalidda durruufaha iyo baahiyaha aradaydaas, waxaana intii booqashadu socotay qabsoomay:

1) Kulamo xafiisku la qaatay guud ahaan hawlwadeenada jaamacadda ee faraca Qardho maamul iyo macalimiinba, oo lagu qaadaa dhigay hab fulinta istiraatiijiyadda.

2) Tababar iyo nashaad loo sameeyey horjoogayaasha fasalada iyo gudiyada ardayda.

3) Kulan guud oo ay wada qaateen hormuudka xafiiska iyo guud ahaan bahda JBA ee faraca Qardho, oo isugu jiray doodcilmiyeed lagu lafo gurayey istiraatiijiyada iyo habfulinteeda, tababar iyo waliba nashadaad ardayeed lagu soo bandhigay hal-abuurro kala duwan.

Dhinaca kale hormuudka xafiiska ayaa kala shaqeeyey Minhaaj-Qardho wacyigalin, muxaadarooyin iyo kulamo bulshada looga wacyigalinayey khataraha akhlaaqeed oo la socda baraha bulshadu ku xiriirto laguna baraarujinayey saamaynta ay ku leedahay jiritaanka umadda akhlaaqda wanaagsani.

Booqashada oo xaqiijisay guud ahaan ujeedooyinkii laga lahaa ayaa kusoo dhamaatay si guul ah.

Qardho
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
December 2017
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online