Ciidanka Amaanka Bosaaso oo soo Bandhigaya Hub iyo waxyaabaha qarxa ay qabteen (Masawiro)

January 27, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in howlgalo ay sameeyeen ciidanka amaanka oo magaalada Boosaaso oo kaashanaya shacabka ay soo qabteen hub kala .Waxaana ka mid ah hubka ay gacanta ku dhigeen ciidanka amaanku Bambooyinka Gacanta laga tuuro iyo Xabadaha Mootar 60 kuwaas oo la rabay in shacabka lagu waxyeeleeyo.

Taliye ku xigeenka qeybta Booliska ee Gobolka Bari Axmed Jaraale oo saxaafadda kula hadlay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in howlgalada ay sameeyeen ay ku soo qabteen hub iyo sidoo kale dad badan kuwaas oo ay baaritaano ku socdaan.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in dadka Shacabka ay ka qeyb qaateen howlgalkii lagu soo qabtay hubkaasi wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyey shacabka garabka ku siiyey soo qabashada hubkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isku dayeysa in ay ka faa,ideysato Khilaafka iyo hub isku uruursiga laba Maamul ee Puntland iyo Somaliland iyaga oo raba in ay qaraxyo iyo dilal ka fuliyaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online