Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga ka jaray Cusbataalka Magaalada Cagaaran. [Masawiro]

January 15, 2018 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas  ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14 jan-2018 ayaa waxaauu xadhiga kajaray cusbatlaaka magaalada Cagaaran ee gobolka Mudug.

Madaxwaynaha dawladda Puntland  ayaa waxaa ku wehelinayay munaasabada xadhig jarka cusbataalka masuuliyiin katirsan labada gole ee dawladd  Puntland,  maamulka gobolka Mudug, kan degmada gaalkacayo, qaar katirsan saraaakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha dawladda Puntland oo oo kahadlay munaasabada xadhig jarka ayaa u mahad celiyay bulshada magaalada Cagaaran waxaana uu Madaxwaynuhu sheegay in cusbatalkani wax badan ka bedeli doono baahida caafimaadka ee kajirta deegaanka, isla marahaantaana waxaa uu madaxwaynuhu xusay in uu kamid yahay mashaariicda isku tashiga bulshada Puntland.

Waad mahadsantihiin dhammaantiin Soo dhawaynta aad noo samayseen, aad ayaan Ugu farxsanah in aan maanta xadhiga kajarno cusbataalka magaalada Cagaaran oo ah cusbitaal ay dadku kudhiseen isku tashiga bulshada dhexdeeda waana talaabo loo qaaday dhanka horumarka waxbadan ayaa inoo qabsoomaya hadaan iskaashano  waad mahadsantihiin “ayuu yiri Madaxwaynaha dawladda Puntland.

Dhinaca kale madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa caawa kulan la qaatay midowga ardayda jaamacadaha Gaalkacyo ee magacooda loo soo gaabiyo ( GUYA ) munaasabada oo ka dhacday hoolka jaamacadda Global Science university.

munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland duqa maamulka gobolka, kan degmada Gaalkacyo, Dr Abdulkadir (dhagacade) barayaasha jaamacadaha Gaalkacyo ardayda wax ka barta jaamacadaha , dhammaan masuuliyiintii ka hadashay munaasabada ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in uu Madaxweynaha dowladda puntland  kulan kala soo qayb galo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr .Cabdiwali Maxamed  Cali  Gaas ayaa ardaydii ka soo qayb gashay kulanka ugu sheekeeyey qiimaha ay leedahay waxbarashadu iyo doorka ay aqoontu ka qaadan karto dhismaha iyo hormarka dalka, sidoo kale waxa uu ku booriyey ardayda in ay kor u qaadaan dadaalkooda ahmiyad gaar ahna siiyaan waxbarasha.

Ugu danbayn Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa ardayda kulanka ka soo qayb gashay kula dardaarmay in ay waxbarashadooda sii wataan.

DHAMMAAD-

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online