Madaxwaynaha Puntland oo baneeyey waddooyin kala xidhnaa Magaalada Gaalkacayo.[Masawiro]

January 3, 2018 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03 January 2018 waxaa uu baneeyey waddooyin kala xidhnaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxaa ku welinayay banaynta waddooyinkaasi maamulka labada dhinac ee gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacayo ,masuuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato, waxgarad, masuuliyiin kasocday maamulka Galmudug, taliska ciidanka isku dhafka Soomaaliyeed, taliya ciidamada Puntland iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa ugu horayn qaaday jid gooyadii ugu horaysay ee goobtaasi waxaana ay ahayd jawaano ciid ah oo latuuray wadooyinka soo gala suuqa weyn ee magaalada Gaalkacayo, kala xidhnaanta ganacsiga magaalada Gaalkacayo ayaa waxa ay carqalad ku ahaayeen ganacsiga, horumarka iyo nabadda guud ahaan gobolka Mudug, xirnaashaha wadooyinkaan ayaa waxaa sabab u ahaa dagaaladii ka dhacay magaalada kuwaas oo inta badan udhexeeyay shacabka walaalaha ah ee kuwada nool magaalada Gaalkacayo.

“Wanaag badan ayaa ii muuqda sharaf bayna nootahay in aan maanta bartamihii suuqa Gaalkacayo isugu nimaadno caqabadihii udanbeeyay oo taagnaa oo ahaa ciidda ladhoobay iyo kala xirnaanta ganacsiga in aan dhamystirno, shaqadii ay bilaabeen Madaxwayne Xaaf iyo Janaral Cabdiweli Jaamac Gorod iyo janaralada halka inala taagan iyo maamulka degmo ee Gaalkacayo iyo gudoomiyayaasha golka dhammaantood aad ayay umahadsanyihiin shaqa fiican ayay bilaabeen dhamystirkii weyaan anigu wax aan maanta meesha ujoogaa dad badan oo samaha jecel ayaa hawshaan ka qayb qaatay oo ay ugu horeeyaan oday yaasha ganacsatada”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Waxaan rajaynayaa cidwalbi in ay wanaagaas ka qay qaadato, ganacsade raba in uu iibsado bakhaarkiisa oo irsaaqad raadinaya hadana in ciidi ay utaal maaha wax sax ah, waxaan rabnaa marka meelkasta iyo jid kasta oo xiran oo Gaalkacayo ah waa in lafuraa maamulka gobolka kan degmada ciidamada dhammaantood amar ayay uqabaan in ay furaan cidna in aan loo tixgelin cidii caqabad kunoqota nabadgelyada iyo horumarka Gaalkacayo gacan bir ah in lagu qabto weeyaan”. ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Ciidankii Booliiska ee isku dhafka ahaa waa joogaa labada dhinacba, waa joogaan ciidankii milateriga ahaa meeshii ay degi lahaayeen waanu u astaynay waxaan rabnaa in lala shaqeeyo oo lagarab qabto oo lagu taageero nabada ay kashaqaynayaan waxaa laga shaqaynayaana waa horumarkiina, ganacsigiina, waa in ilmihiinu nabad wax ku bartaan” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay kuna booriyey shacabka magaalada Gaalkacayo inay ka wada shaqeeyaan nabad gelyada, horumarka iyo xasiloonida magaaladooda, isla markaana ay u hogaan sanaadaan ciidamada ka shaqaynayaa amnigooda iyo xasiloonidooda.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online